Sirta qorshaha abaabulka hubeysan ee Baarlamaanka lagula wareegay iyo sida hubka intaas la eg loola galay gudaha Xarunta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday abaabulka ciidan ee maanta uu Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxame Cusmaan Jawaari  kula wareegay Xarunta Golaha.

Xildhibaan Cadow Cali Gees ayaa la tilmaamay in uu ka danbeeyo abaabulka iyo hubka uu Guddoomiye Jawaari ku qabsaday Xarunta, sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Saraakiisha Ammaanka ayaa Caasimadda.net u xaqiijiyey in subuxnimadii saaka Ciidamo kor u dhaafaya 50 askari oo aad u hubeysan, 15 ka mid askartaanna ay si gaar ah ugu hubeysnaayeen qoriga daran dooriga u dhaca ee loo yaqaanno PKM, lagu joojiyey bar kaantarool oo ciidamadu ugu talagaleen in ay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ku rabaan ilaalada hubeysan.

Kolanyadan ayaa ciidamada ammaanku waxa ay ku joojiyeen bar kaantarool oo la dhigay albaabka danbe ee Baarlaanka oo ka soo horjeeda Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Saraakiisha ku sugnaa goobtaas oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Gudoomiye Jawaari amarka ku saabsanaa in goobtan loogu tala galay in ay ku haraan Ciidanka la socda, balse waa uu ka dhaga adayga arrinkan, taas oo sababtay in ay hubka isula baxaan labada dhinac.

Masuuliyiin ayaa xaqiijiyey in Taliska Ciidanka Booliska ay amar ku siiyey askartii Joojisay kolanyada hubseynd ee Guddomiye Jawaari in loo ogaalaado uuna albaabka danbe ka galo Xarunta Golaha Shacabka, isaga iyo ciidankiisa, si looga hortago isku dhac dhex mara Booliska iyo Ilaalada Guddoomiyaha.

Dhanka kale, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ahayd xildhibaannadii ugu horreeyey ee guda u gala Xarunta Baarlamaanka ayaa Radio Shabeelle u xaqiijisay in ay xarunta ku dhex arkeen markii la furay rag ciidan ah oo hubaysan, kuwaas oo ka mid ahaa askarta Jawaari, lana aaminsanyahay in habeenimadii xalay ay ku hooydeen gudaha xarunta, si ay u xoojiyaan ciidanka la socda Guddoomiyaha mooshinka laga keenay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com