Akhriso: Muudey oo war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray wixii Xarunta Baarlamaanka ka dhacay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Muudey ayaa war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray shaqaaqadii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka labaad ee Cawad ku eedeyey inay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka kadib markii ay ciidamo lasoo geleen Xarunta.

Wuxuu Muudeey codsaday in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ka dambeysay falkaas, wuxuuna Jawaari ku eedeeyey inuu Dastuurka dalka ku tuntay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Muudeey: