Taliyaha Amisom: “Jawaari amnigiisa anagaa mas’uul ka ah, waana waajibaadka na saaran, xarunta baarlamanka inta laga heshiinayo….”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dib markii Maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta.

Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari amnigiisa ay ka mas’uul yihiin, qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo.

Taliyaha ciidamada AMISOM iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa hadda kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa.

Gawaari ay galbinayaan Ciidanka Amisom ee Howlgalka Nabad ilaalinta ujooga Somaliya, ayaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka waxey ka wadeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya iyo Kuxigeenkiisa 2-aad Mahad Cabdalla Cawad.

Jawaari iyo Cawad ayaa tan iyo Saaka, waxey ku sugnaayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta ay ku balansanaayeen Xildhibaano laba Ajende Kala wata oo Baarlamaanka ka tirsan.

Taliyaha Ciidanka AMisom Paul Lokech oo gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa kulan kooban la yeeshay Jawaari, Wuxuuna usheegay in AMnigiisa ay mas’uul ka yihiin, qeybna uu ka yahay Waajibaadkooda inta uu xilka hayo.

Jawaari iyo Paul Lokech, ayaa gaaray Xarunta Villa Hargeysa halkaas oo uu ka qabsoomaayo Kulan balaaran oo ku saabsan xal uhelista Khilaafka iyo sidii Jawaari loogu heyn lahaa meel amnigeeda la isku haleyn karo.

Taliyaha Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay masuuliyad ka saarantahay iney Gaashaan unoqdaan Jawaari maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Si Kastaba, Taliyayaasha Ciidada; Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida Somaliya oo goor sii horeysay Shir Jaraa’id qabtay ayaa eedeyn kala dul dhacay Jawaari iyo Cawad, waxeyna ku eedeeyeen iney ku xad gudbeen Sharciga oo ay Ciidamo aan laga warqabin la galeen Xarunta Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com