3 qodob oo xasaasi ah oo ay AMISOM usoo bandhigtay Jawaari iyo qodob halis ah oo ku jiro

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka AMISOM Paul Lokech oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Kulankaas oo ujeedkiisa ahaa sidii looga wada hadli lahaa Khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu taliyaha AMISOM Jawaari usoo jeediyey 3 qodob midkood inuu kala doorto:

1)  In isaga iyo Xukuumadda ay ka heshiiyaan Mooshinka haddii la iska dhaafayo iyo la fulinayo, isla markaasna ay ka wada heshiiyaan sida uu dhici karo iyo qaabka uu noqon doono

2) In meel dhex dhexaad ah la isugu keeno xildhibaanada sidaasna mooshinka loogu coddeeyo

3) Iyo inay ciidamada AMISOM isaga guuraan Xarunta Baarlamaanka isla markaasna ay Xalane isaga noqdaan.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa qodobka seddexaad ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah shacabka Soomaaliya isla markaasna uu fulintiisa xoogaa dhib ku noqonayo taliska Ciidamada AMISOM.

Ilaa hadda lama ogo qodobka uu qaadan doono Guddoomiye Jawaari iyo haddii uu gebi ahaanba gaashaanka u daruufi doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ilaaladiisa ayaa Maanta baajiyey kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo  ajanadihiisu ahaa laba qodob oo kala duwan iyo laba Koox oo aan isku fikir aheyn.

Ciidamada AMISOM ayaa ugu dambeyntii ku guulestay inay Jawaari xarunta Baarlamaanka ka wadaan isla markaasna waxaa la geeyey Xarunta Villa Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com