Fiqi oo si yaab leh uga hadlay xiisadii ka dhacday Baarlamaanka ” Oohintu Orgiga ka weyn”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo bartiisa Facebook soo qoray ayaa kaga hadlay wixii Maanta ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la sheegay in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Jawaari ay la wareegeen Xarunta.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook:

Waxaan kol dhow daawaday shir jaraa’id oo ay qabteen taliyaasha ciidamada qalabka sida, oo u muuqda afhayeenada xukuumadda ama u dhaqmaya sidii rag ciidamadII ay u talinayeen aysan ku lug lahayn khilaafka ka dhexeeya xukuumadda iyo golaha shacabka oo kale.

Waxaan saakay ku waabariisanay magaalada Muqdisho oo dhammaan ciidamada ay wada xireen, isu socodkii & hawlihii shaqo ee gaarka ahaa iyo kuwii guudba la cuuryaamiyey, ujeedkuna uu yahay qeyb ka noqoshada qorshe xukuumaddu ay kula wareegaysay sharciyadda iyo awoodda golaha shacabka, ayadoo la baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka.

Gudaha hoolka waxaa la galiyey qiyaastii 100 askari oo boolis ah oo loogu talagalay ama lagu soo amray in ay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ilaaliyaan, kana amarqaataan, ayagoo gacan ka geysanaya mashruuca lagu inqilaabayo golaha shacabka, sida ka muuqata sawirka hoose oo caddeyn buuxda ah.

Dhanka kale Ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamada NISA ayaa ayaguna magaalada Muqdisho iyo waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka oo dhan lagu wareejiyey, isla mashruuca sare fulintiisa.

Waxaa la isweydiinayaa taliyaasha ku mashquulsan ilaalada Gud. Jawaari ee aan arkaynin ciidamada xarunta golaha la soo dhexgaliyey ee amarka qaldan la soo siiyey iyo ciidamada loogu talagalay cadowga in ay dalka ka xoreeyeen ee loo adeegsanayo in dadka iyo xildhibaanada lagu caburiyo, miyaysan ku haboonayn in ayagii mashruucaan qeybta ka ahaa aysan cid kale ku eedayn wax la xiriira ciidan, haddii ay sidaas samaynayaana ay noqdaan dad ka madaxbanaan arrimaha siyaasadda ee taagan.

Guddoomiye Jawaari, ilaaladii la socon jirtay wax badan oo ciidan ma wadan sida la soo xaqiijiyey, dhanka kalena gudaha xarunta ma aysan soo galin ee goobihii mar horeba ay ku ekaan jireen ayaa lagu soo reebay, ee waxaa aaminsanahay in oohintu orgiga ka weyn tahay!! hadaladaan xildhibaanada qaar iyo taliyaashu ay ku hadlayaana ay hordhac u yihiin tallaabooyin sharcidarro ah oo xalaalaynaya mashruucii inqilaabka.