Jawaari ” Guddoomiyihii BF ayaa qabsaday xarunta waxay la mid tahay madaxweynaha ayaa Villa Somalia qabsaday”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.  Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadii Maanta ka dhacay kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Jawaari oo ka hadlayey inuu Ciidamo uu watay ay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay arrintaas tahay wax kama jiraan isla markaasna uu isaga kaliya watay 11 Askari oo u badnaa dharcad sida uu isaga hadalka u dhigay.

” Aniga 11 askari oo dharcad u badan ayaa watay ma idinla tahay in 11 askari lagu qabsan karo Xarunta baarlamaanka” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hadalka ah inuu qabsaday Xarunta Baarlamaanka ay la macno tahay iyadoo la dhahay madaxweynaha ayaa qabsaday Xarunta Villa Somalia, wuxuuna xusay inuu Xarunta Baarlamaanka uu isaga u taliyo.

Sidoo kale Jawaari ayaa soo hadal qaaday taliyaasha Ciidamada dowladda ee ka hadlay Xiisadda Baarlamaanka isla markaasna isaga ku eedeeyey inuu Xarunta qabsaday, wuxuuna Jawaari sheegay inay Taliyaasha yihiin shakhsiyaad fiican balse uu saaran yahay culeys badan loona baahan yahay in loo dulqaato.

Wuxuu tilmaamay inuu dhawr jeer taliyaasha u sheegay inay faraha kala baxaan Xiisadda siyaasadeed ee taagan, wuxuuna sheegay inay xalay ugu dambeysay oo uu kulan la qaatay balse ay ka tageen iyago aan wax jawaab ah siinin.

Xildhibaan badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Jawaari  ku eedeeyey inuu ciidamo lasoo galay Xarunta Baarlamaanka, iyagoo sheegay inuu xoog ku qabsaday midaasna ay tahay sharci darro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa jawaari Cawad ku eedeeyey inay Xaruntii baarlaaanka qabsadeen, wuxuuna ku baaqay in sharciga la hor keeno.

Xiisadda  Baaralmaanka Soomaaliya ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa cirka isku shareertay, waxayna u muuqataa inay gaareyso heer aan waxba laga qaban karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com