Xildhibaan  C/Shakuur Ali Mire “Tillaabada ismiidaaminta siyaasadeed ah oo ay qaadeen xildhibaanada Jawaari difacaya waa wadada kaliya ee…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa tallaabadii Maanta lagu hor istaagay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inay aheyd ismiidaamin siyaasadeed oo halis lagu geliyey nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo arrintaan ayaa u qornaa sida hoos ku qoran: 

Waxaa gurigayga ka tagey saacadu markay aheyd sideedii arroornimo si aan uga qeyb galo kulankii  gollaha shacabka ee loo balansanaa inuu qabsoomo maanta.

Waan filayey markii xildhibaanadu guddaha iskugu tagaan inay ku murmi doonaan arrimo la xiriira sharciyadda motionka iyo qodobo xeer hoosaadka ka mida, sidoo kale waxaa la fili karey in la isku qabto cidda shirka gollaha gudoominaysa, maadama xildhibaanada motion ka keenay aaminsan yihiin in gudoomiye ku xiggeenka koowaad xaq u leeyahay inuu gudoomiye halka kuwa kalena diidan yihiin.

Hase ahaatee markaan gaaray xarunta gollaha, gaar ahaan albaabkii loo asteeyey in xildhibaanadu kasoo gallaan ayaa waxaa arkay xildhibaanadii oo banaanka tuuran gudahana aan u gudbeyn, markii aan waydiiyey sida waxa u jiraana waxaa la iigu jawaabey waxaa baarlamaankii guddaha u galay maleeshiyaad iyo ciidamo hubeysan oo la socdey gudoomiye Jawaari iyo ku xiggeenka labaad.

Waxaa sidoo kale wacay xildhibaano nasiib u yeeshay inay guddaha gallaan intaan Jawaari iyo Mahad Cawad maleeshiyaadka la galin gudaha waxay ii  xaqiijiyeen inay guddaha ku jiraan ciidan hubeysan naftoodana ay u baqayaan.

Marna xildhibaanadu ma fileyn in qeyb xildhibaanada kamid ahi ku fakari karto inay baarlamanka hub lasoo galaan khatar amnina ku abuuraan xildhibaanada,  waliba waxaa intaas ka daran cidda falkaas ku kacaysa markay tahay hoggaankii baarlamaanka ee sheeganaysay inay doonayso sareynta sharciga.

Arrinkaa markaa hubsadey waxaa sii weydiiyey qaar ka mida xildhibaanadii taageerayey gudoomiye jawaari  sababta ay tillaabada ismiidaaminta siyaasadeed ah u qaateen, waxey iigu jawaabeen wadada kaliya ee aan ku hor istaagi  karney in cod la qaado ayey  noqotay inaan hub la galno gudaha.

Ugu dambeybtii waxay ila tahay in khilaaf kasta iyo kala arragti duwanaansho kasta aysan marnaba sababi karin in gollaha shacabka  maleeshiyaad lala soo galo khatarna la galiyo  amniga iyo nolasha xildhibaanadii shalay kuu doortay guddoonka aad u dagaalamaysid hayntiisa.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com