Daawo muuqaallada shirka jaraa’id ee siyaabaha kala duwan ay Muqdisho ugu qabteen Jawaari iyo Muudeey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ee qoraalka kusoo gudbinay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa siyaabo kala duwan shir jaraa’id galabta ugu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirarkooda oo iska soo horjeeday ayaa waxa ay uga kala hadleen  dhacdooyinkii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay  u diideen in galaan xarunta. Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug. Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Ciidamo Daacad u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ay maanta saacado kooban la wareegay xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii lagu balansanaa.

Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in maanta xarunta Golaha Shacabka ay dhacday dhacdo fool xun oo ay geysteen Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Muudey ayaa sheegay in Jawaari uu ku xadgudbay Dastuurka, kadib markii uu tilmaamay in  Ciidamo uu la yimid xaunta, kuna qalqal geliyay xubnaha Baarlamaanka oo waajibaadkooda shaqo gudanayay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID OO AY KALA QABTEEN JAWAARI IYO MUUDEEY

SHIRKA JARAA’ID EE GUD. JAWAARI

SHIRKA JARAA’ID EE GUD. MUUDEEY