Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Caawa uu Qarax xoogan ka dhacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa uu xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga wada maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir, waxaana Qaraxa kadib la maqlaayay rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidamada.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay.

Qaraxa ayaa dhacay kadib marka uu gudbay gaariga hase ahaatee waxa ka dhashay waxyeelo soo gaaray dad shacab ah, waxaana xusid mudan in xiliga uu Qaraxa dhacaayay goobta ay aheyd mid aad u mashquul badneyd.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegeen in qaraxan ay ku geeriyooden illaa Saddex qof oo shacab ah, tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Goobta uu Caawa ka dhacay Qaraxa ayaa ku dhow Isluulka Godey, waxaana halkaa laga qaaday dad dhalinyaro u badnaa oo dhaawac uu kasoo gaaraya Qaraxa.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili Habbeenimadii Xalay Qarax ceynkaan ah magaalada Muqdisho lagula eegtay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com