Maxaadan ogeyn oo caawa ka socda hoyga uu degan yahay guddoomiye Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan ka socdo Hoyga Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ee Villa Hargeysa.

Kulamada caawa ka socda Hooyga Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka gaar ahaan garabka isaga taabacsan ee la sheegay in maanta ay fowdada ka kiciyeen Xarunta baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya dhacdooyinkii maanta ay ka geysteen Xarunta baarlamaanka oo lagu sifeeyay qalalaaso amni.

Dhinacyada ku sugan Hooyga ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo iyagu shir ku saabsan dhacdadii maanta la leh Guddoomiye Jawaari.

Kulamo kan lamid ahaa ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaano garb garab u kala taabacsan Mooshinka iyo Mooshin diidka.

Sidoo kale, ciidamo farabadan ayaa ku sugan Hooyga Guddoomiye Jawaari kuwaa oo la sheegay inay aad u adkeynayaan amniga, kadib falkii maanta ciidamada ka geysteen Xarunta baarlamaanka.

Dhacdada maanta ka dhacday Xarunta baarlamaanka Somalia ayaa qalalaaso amni ku abuurtay Xarunta baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo dhacdada ceynkaasi ah dhaliisheeda dusha looga tuuray Guddoomiye Jawaari oo isagu lagu eedeeyay in ciidamo uu la galay xarunta baarlamanaka.

Si kastaba ha ahaatee, inta khilaafkan uu taagan yahay ayaa waxaa la iclaamiyay inuu hakat kusii jiri doono kullamada golaha shacabka inta xal laga gaarayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com