Xildhibaanad soo jeedisay in ragga ay guursadaan xaasas badan oo ku filan noloshooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka ku jira baarlamaanka dalka Kenya ayaa Xukuumada ugu baaqay inay sameyso barnaamijo lagu kordhinaayo guurka ragga Kenyaanka ah.

Haweeneyda lagu magacaabo Gathoni wa Muchomba oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in Xukuumada laga doonaayo in meesha ay ka saarto guur yarida ka jirta Kenya.

Gathoni wa Muchomba, waxa ay sheegtay in la doonaayo in ragga Kenyaan ah xitaa ay guursadan min Seddex iyo wixii kabadan oo xaas ah.

‘’Waxaan ragga Kenyaanka ah ugu baaqayaa inay guursadaan xaasas badan, si looga baxo faqriga naga heysta cadadka muwaadiniinta’’

Haweeneydan ayaa horay u soo jeedisay in xildhibaanada mushaaradka loo kordhiyo si ay bilcaamo badan u guursadaan taasi oo shacabka Kenyaanka ah ay afkaar kala duwan ka muujiyeen.

Gathoni wa Muchomba, xili ay ku sugneyd ismaamulka Kiambu  ayay hoosta ka xariiqday in hooyooyinka keligood carruurta korinaya ay dhibatooyin la kulmaan sidaa awgeedna la doonayo inay helaan rag garab qabto.

Si kastaba Xildhibaanada ragga deganadaasi ayay ku boorisay hadii ay awoodaan inay guursadaan xaasas badan .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com