Caasimada Online oo heshay WARQAD ay xildhibaannada raacsan Cabdi Weli u direen Ethiopia iyo beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanda Soomaliyeed garabka ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaliya C/Weli Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah, oo ay ku qaadeen tallaabo cusub.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan khilafka ka dhex jira Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare C/weli kaasoo saameyn weyn ku yeeshay Xildhibanada oo labo garb u kala jabay.

Mid ka mid ah Xildhibanada mooshinka ka soo horjeeda oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in kulankaani ay kaga hadlayeen qoraalo ay u kala dirayeen beesha Caalamka iyo dowladda Ethiopia.

Waxa uu sheegay inay Beesha Caalamka ka dalbadeen in la soo farageliyo Khilaafka Madaxda sare u dhexeeya kaasoo ay u arkan inuu Khatar ku yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Dhinacyada beesha Caalamka ee qoraalka loo diray waxaa ka mid ah Midowga Yurub, Midowga Afrik,I IGAD, Qaramada Midoobe iyo Dowlada Itoobiya oo si gaar ah qoraal loogu direy.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho nuqulo ka mid ah qoraalada ee hoos ka arag.

laba jted1ted2ted3ted4