Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul kaga jawaabay hadalkii kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo ku aadanaa inuu ku faraxnsan yahay difaacida ay sameeyeen xildhibaano isaga taageersan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu soo xiray kulamada golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya haddana uu doonayo inuu xiro fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Ra’iisul wasaare awood ku joogi kara xafiiska ma jiraan, golaha wasiirada ayuu soo xiray haddana wuxuu doonayaa inuu baarlamaanka xero ma yeelayno, C/welli wuxuu xafiiska ku jooga kalsoonid madaxweynaha uu kusoo magacaabo” sidaasi ayuu yiri xildhibaan Xidig.
C/rashiid Xidig ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada barlamaanka marnaba aysan ogolaan doonin in la joojiyaa howsha ay u hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

