KU : Isimadda , Nabadoonada iyo Acyaanta Lawadagta xulista Golaha Shacabka PL
Sida la ogyahay waxaa bedertan loogu jiraa kamid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee Puntland ( Parliamentary Team ) iyadoo aad meelo badan oo magaalada bosaaso ah sida Hoteladda waaweyn ku arkayso rag kooxo kooxo ah oo fooda iskula jira badankooduna ay ku xaragoonayaan cimaamado rishwaani ah oo garabka usaaran , koofiyado barawaani ah oo ay madaxa kusitaan iyagoo ku mardaadiyaya dhengad xardhan oo dheeh biro dahabi iyo qalin lagu qurxiyey wata , kuwasoo logu yeerayo nabadoonada iyo odayasha reer hebel.
Waxaa sidoo kale iyana horta kaga jira oo olaha wada rag damac iyo hunguriga siyaasadeed wado oo aad xiiq iyo xamaasada kadareemayso . ma ba,nee hadii tab ka roon taas oo golle shacaba ( Barlamaan) lagu helo lama waayine ladiidey waxaa dhibaato ah in mudo dhow iyo toban sanadood ah ay ku soo noqnoqdaan Golaha shacabka puntland qaar badan oo ay haboonaan lahayd in lagu bedelo kuwo katayo roon .Hadaba odayaaal anigoo idin xusuusinaya murtida hoos ku xusan :.
- Talaadaan la ruugin waa lagu rafaadaa
- Talo adaa ku noole iyadu kuguma noola
- intaadan falin kafiiirso
- ninkii lawga isku dhufta isagaa udhutiya
- ninba tacabkii taloy kamaal
- nin hagraday dhulkiisii hilibkiisii buu cunay
- Qof aan dalka iyo dadka midna denbi kagelin, aqoona leh
- Qof uu xanuujinayo xilka loo dhiibey
- Qof xurmada naftiisu la weyn tahay
- Qof alle ka cabsigu dabar u yahay
- Qof geesi ah , codkarna ah
- Qof muruu,a leh
- Qof cadaalada usaaxiib ah
- Qof qadarin u hayo gollaha uu ka mid noqonayo iyo golayaasha kale ee dawladdu ee uu wada shaqaynta la yeelan doono
- Ha ahaado qof dowladnimada aaminsan oo qaranimada meteli kara
- Qof buuxiyey shuruudii dawladda ee xubnaha golaha baarlamaanka lagu xulayey
tell: 00252590724008
bosaaso -somalia

