Cabdi Ganey oo xalay lagu dilay Muqdisho + sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag la sheegay inay ahaayeen burcad ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir, iyadoona loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ganey, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay doonayeen inay marxuumka ka dhacaan mobile-ka gacanta, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay in rasaas ay u adeegsadaan, isaga oona isla goobta ku dhintay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii ka dambeysay toogashadaasi ay goobta isaga baxsatay, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen dilkaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudddooyinkii dambe ku soo badanayey falalkala xiriira dhaca, iyada oo isa soo tareysay cabashada ka soo yeereysa dadweynaha.