Xog: Maxaa xalay ka dhacay saldhigga degmada Waabari, maxaase ka jira in Jeneral Indhacadde uu weeraray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxaa baraha bulshada qabsaday warar la xiriira in Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo wata ciidan badan uu weeraray Saldhigga Booliska ee degmada Waabari.

Hase yeeshee, Caasimada Online oo la xariirtay Janaraal Indhacade iyo saraakiil ka tirsan degmada Waabari ayaa dhamaantood waxa u xaqiijiyeen in aysan jirin wax weerar ah oo degmadaas iyo meel kalaba ka dhacay.

Janaraal Indhacade ayaa Caasimada Online u sheegay inuu arrimo ugaar ah u tagay saldhigga, islamarkaana aysan jirin wax isku dhac, dood iyo muran ah oo dhaxmaray isaga iyo saraakiishii saldhigga ku sugneyd.

“Howl ii gaar ah ayaa u tagay saldhigga iyo CID mana jirto wax dhib ah oo dhacay waana been wararka layga qoray,” ayuu yiri Janaraal Indhacade.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan saldhigga degmada ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin wax dhib ah oo dhacay, islamarkaana si caadi ah loogu adeegay Janaraalka markii uu halkaas tegay.

Dhinaca kale, warar madaxbanaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Janaraal Indhacade uu saldhigga u tegay inuu damiin ku soo daayo dhowr qof oo dumar ah, kuwaas oo shalay lagu xiray saldhigga Waabari kadib markii ay ka qeyb-qaateen banaanbax ka dhacay Muqdisho.

Janaraalka ayaa saldhigga ka soo damiintay Haweenkaan oo u badan xigtadiisa, kuwaas oo Muqdisho ka dhigay dibadbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xiray ciidanka amniga Soomaaliya.

Isku soo duub, xaqiiqda arrintan ayaa ah in Indhacade uu saldhiga si nabdoon ku tegay, si nabdoonna uu damiin uga ahaa una soo daayey dadka la xiray, mana jiraan wararka sheegaya inuu weeraray ama qabsaday.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wararkii lagu baahiyay baraha bulshada ku kulmaan ee Facebook iyo dibadbaxii shalay ka dhacay Muqdisho.