Kooxo hubeysan oo dil ka geystay maanta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay marxuum Cabdi Siyaad Geeddi oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ah ee Soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa xilliga la dilayey ku sugnaa suuqa Ariga ee degmada Dayniile, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Marxuum Cabdi Siyaad Geeddi ayaa ka mid ahaa ergadii soo xushay Baarlamaanka 10-aad ee haatan waqtigiisu sii dhammaanayo.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka ay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo falka kadib goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, balse ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo laga bixiyey dilkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer beegsata odaayaasha dhaqanka ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo horey loo dilay ergay aad u badan oo ka ka qeyb-galay soo xulida xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya.