BEYLE oo beeniyey arrin uu Kheyre ka faafiyey dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u warramayey warbaahinta dowladda ayaa beeniyey hadal kasoo yeeray Kheyre, kana warbixiyey sida ay dhaqaale ahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu diyaar garowday qabashada doorashooyinka soo socda ee dalka.

Beyle ayaa shaaciyey in lacagta ku bixeysa doorashada lagu qiyaasay illaa 40-milyan oo Dollar, islamarkaana ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Wasiirka ayaa xusay in 10% oo u dhiganta 4 milyan oo Dollar ay bixinbeyso dowladda Soomaaliya, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-ka.

“Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawl-wadeenada,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lacagahaasi aan loo adeegsan doonin si qaldan, islamarkaana kaliya lagu bixin doono qabashada doorashada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hanaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Ugu dambeyn wuxuu ka jaawabay eedeyntii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ee aheyd in dowladda Soomaaliya laga jaray dhaqaalaha qaar ee ay ka heli jirtay saaxibada caalamka.

Wuxuu Beyle arrintaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalka.