Xiisada dagaal ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo abuurtay walaac hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo faro badan u dirtay magaalada xadka ku taala ee Beled-Xaawo, iyada oo ciidamo ka socda Jubbaland oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Kenya ay ku sugan yihiin magaalada u dhow Kenya ee Mandhera.

Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa inay gacan ka hadal isku badasho, kadib markii ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya inay xadka ka abaabuleyso jabhad hubeysan.

Senator Maxamed Macalin Maxamuud oo metala Ismaamulka Mandhera ayaa waxa uu sheegay in dadkiisu aysan marnaba u dulqaadan karin xiisada xun ee ka dhalatay xiriirka go’ay ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Ma daneyneyno sida Xaaladdu ay u muuqato, dagaal dhex-mara labada dhinac waa mid dhibaato ku ah dadkeena, waxaa halis galaya noloshooda, Waxa aan ognahay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo u muuqda mid aan wanaagsaneen labadii maalmood ee lasoo dhaafay” ayuu yiri.

Senatarka ayaa sheegay in wel-welka ugu weyn ee heysta dadka uu ku metalo kursiga uu yahay abaabulka socda iyo xiisada labada dal oo kasii dartay, taasi oo ku tilmaamay “mas’uuliyadd daro la sameynayo”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Boqolaal kamid ah dagaal-yahanada xulufada la ah wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, Cabdirashiid Janan ay ku sugan yihiin magaalada Madhera mudo bilo ah

Waxa kale oo uu ciidamada Janan ku eedeyay inay weerar ku qaadeen deegaano xadka ah, halkaas oo ay ku dileen tobaneeyo, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo naxo Shacabka Ismaamulkaas oo uu sheegay inaysan u dulqaadan Karin in dushooda lagu dul dagaalamo sida uu hadalka u dhigay Senator Maxamed Macalin Maxamuud.

Xiisada labada dal ayaa mareysa meel xasaasiya, iyada oo falan-qeeyayaashu rumeysan yihiin in isku dhac kasta oo dhexmara Kenya iyo Soomaaliya laga dareemi doono meel ka baxsan xuduuda labada waddan.

“Waxaan arkeynaa in ciidamo badan kusii socdan xadka, aaga oo dhan way saameyn doonta Kenya keliya maaha!, waxaan rumeysanahay inaan u baahanay in aan xal diblomaasiyadeed u helno khilaafkan oo gaaray meel sarre, maadama xadka lasoo dhoobay xoogag, taasi oo muujinaysa heerka cadaawada” ayuu yiri George Musamali oo madax ka ah Xarunta Maareynta Khatarta ee Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii Shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku kaceen ciidamada Wasiir Janan, kuwaasi oo horey dowladda Soomaaliya ay ugu sheegtay “jabhad ay dhistay” Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hore loogu gudbiyay dalab ku aadan in deegaanka laga saaro ciidamada Janan, hase yeeshe majirto jawaab ay ilaa hadda ka bixisay cabashada shacabka iyo mas’uuliyiinta Mandhera.