Musharaxiinta mucaaradka oo ku wajahan GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saacadaha soo socda ku sii jeeda qaar ka mid ah xubnaha musharraxiinta mucaaradka, iyada oo haatan qaban-qaabo xoogan & u diyaar garow laga dareemayo magaaladaasi.

Musharraxiinta tegaya Garoowe ayaa waxaa horkacaya siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka musharraxiinta uu yahay ka qeyb-galka shirweyne la sheegay in magaaladaasi uu uga furmayo midowga musharraxiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale xubnaha musharraxiinta mucaaradka ee Garoowe tegaya ayaa kulamo iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan ololahooda ka bilaabayo halkaasi.

Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayey socdaalkiiisa ayaa yiri “Waxaan ku wajahanahay magaalada Garoowe muddada aan joogo waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka qaybgali doonaa dood cilmiyeedyo iyo barnaamijyo kale oo aan aragtidayda siyaasadeed ku soo bandhigaayo. Waxaa iga go’an inti suuragal ah in aan qof walba oo Soomaali ah rugtiisa ku gaaro,”.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana meel fog kala joogo mucaaradka iyo dowladda oo isku hayo hanaanka doorashooyinka dalka.