“Cabdi Iley isagoo garaab ah oo jir dil xun loo geystay ayaa nalaga waday” waxaa yiri..

Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Madaxweynihii hore ee maamulka DDS Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo diyaarad ciidan oo laga qaaday magaalada Jigjiga ee xarunta is maamulka  Soomaalida ayaa la sheegay in xiligii laga dhoofinaayay Garoonka la jir dilay.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo arrintaani faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in ciidamada Militeriga ay jug culus u geysteen Cabdi Maxamuud.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir, waxa uu sheegay in Cabdi Iley la jir dilay ka hor inta aan la kaxeysan magaalada Jigjiga, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka marqaati ka cayaan jir dilka.

Waxa uu yiri “Jir dilka waxa uu dhacay inta ciidamada ay ku hareereysnayen hooygiisa iyo marka laga dhoofinaayay garoonka”

“Waxaan qirayaa in ka hor inta aysan kaxeysan ay ciidamada u geysteen Cabdi Iley jir dil kadib ay timid ka xeyntiisa”ayuu yiri Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Suldaanka ayaa beeniyay wararka sheegaya in madaxweynaha isaga oo badqaba diyaarad looga qaaday magaalada Jigjiga, waxaana uu intaa ku daray kuna eedeeyay ciidamada Ethiopia in ay dhibaato u geysteen dadka deegaanka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Magaaladan waxey u baahan tahay gurmad caalami ah, dhibaato weyn ayaa ka dhacday oo ay sameeyen ciidamada militeriga Ethiopia”.

Sidoo kale, Suldaanka waxa uu cadeeyay in Cabdi Iley laga qaaday magaalda Jig jiga isaga oo jirkiisa uu qabo dhaawacyo ka dhashay gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo ciidamada qabtay.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili uu madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Axmed Cabdi Maxamed sheegay in xaaladu degan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com