DFS oo shaacisa mowqif aan laga fileynin oo ay ka qaadatay Khilaafka Sacuudiga & Canada

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex aloosan yahay dowlada Sacuudiga iyo Canada ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadashay Dowladda Somalia.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada uu yahay mid mugdi galinkara arrimo badan.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

Nuqul kamid ah warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.”

Waxaa sidoo kale, lagu yiri warsaxaafadeedka “Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Gudaha asbuuca aan ku jirno Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale, iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada.

Docda kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com