26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

CABDI ILEEY oo hadal uga naxsaday GUULEED

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa lagu wadaa in goordhow magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, ay kulankii labaad kuwada qaatan Madaxweynayaasha DDSI, Galmudug iyo Jubbaland.

Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in lagu qaboojiyo xasarada ka taagan deegaanada dhaca xadka, gaar ahaan deegaanka daac-dheer oo ku yaalla xuduuda galgaduud oo dhawaan ay ku dagaalamayeen Ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwo xoola dhaqato ah.

Madaxweynaha DDSI iyo C/kariin Gulleed ayaa si hordhac ah uga wada hadlay dagaalka ka socda deegaanada dhaca xadka labada maamul, waxaana lagu wadaa in maanta la dhameystiro wada hadalka wajigiisa labaad, iyadoo uu garwadeen ka ahaan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka maanta halkaasi ka dhici doona ayaa waxaa lagu raadin doonaa xalka dhinacyada kuwada dagaalamaaya xadka Gobolka Galguduud uu la wadaago ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay dhawaan ku dagaallameen Dadka Degaanka iyo Ciidanka Liyuu Booliska ee Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaallada degaankaasi ee u dhaxeeya Dadka degaanka iyo Ciidanka Liyuuga ayaa soo laabtay dhowr jeer, waxaana markasta lagu dhameynayay wadahadallo sidan oo kale u dhexmarayay Labada dhinac.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka DDSI uu sheegay in qeyb kamid ah deegaanka daac-dheer ay iyaga leeyihiin loona baahan yahay in Galmudug ay gadaal uga sii duruqdo deegaankaasi.

Ma cadda waxa kasoo bixi doona kulanka uu garwadeenka ka yahay Axmed Madoobe ee wajigiisa labaad uu ka dhici doono Madaxtooyada is maamulka Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News