Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed oo maalmo un ka hor Heshiis Dowlada Kenya kula galay magaalada Nairobo ayaa iminka arrintaasi beeniyay.
C/wali Sheekh Axmed ayaa waxaa ku wehlinaayay Heshiiskaasi ka dhacay magaalada Nairobi Ra’isul wasaarihii isaga kasii horeeyay Saacid Shirdoon ayaa Fadeexad kulankaasi ka dhashay kadib go’aansaday inuu beeniyo kulankaasi cadeynta lahaa.
C/wali Sheekh oo kulankaasi uu wakhti danbe la xumaaday ayaa sheegay inaanu ka qeybgalin intiisa badan islamarkaana uusan jirin Heshiis si gaar ah uu ula galay Dowlada Kenya.
C/wali Sheekh, waxa uu sheegay in keliya madasha kulankaasi uu tagay maalintii ugu danbeysa, wixii ka horeeyayna uusan waxba kala socon wixii ka dhacay madasha ee Heshiis ah.
Waxa uu tilmaamay in shirka uu ahaa mid u dhexeeyay Beesha Mareexaan iyo dawladda Kenya, waxa uuna beeniyay in shirka uu la xiriiray arrimaha darbiga laga dhisaayo xadka kala qeybsha Somalia iyo Kenya.
Beesha Mareexaan iyo Dawladda Kenya, ayuu sheegay inay kawada tashankaraan wax waliba oo iyaga mideynkara balse kulanka uusan aheyn sida loo dhigay.
Haddalka Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, ayaa imaanaya iyadoo asbuucii tagay ay Heshiis qodobeysnaa kala saxiixdeen Beesha Mareexaan iyo dawladda Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

