Cabdi Iley ‘oo isku dayey inuu xabsiga ka baxsado’

Addis Ababa (Caasimada Online) – Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar Cabdi Iley inuu isku dayey inuu xabsiga ka baxsado.

Cabdi Iley ayaa la xiray kadib rabashadihii dalka Ethiopia ka dhacay bishii August.
Booliska ayaa maanta maxkamadda federaalka Ethiopia, oo markii shanaad lasoo taagey Cabdi Iley, u sheegay inuu isku dayey inuu ka baxsado daaqadda xabsiga.

“Sababo la xiriira walaac laga qabo ammaankiisa iyo caafimaadkiisa, waxaa lagu hayey xafiis gooni ah, si kastaba, waxa uu isku dayey inuu ka baxsado xafiiska, isaga oo jebiyey muraayadda dariishadda, isaga oo sidoo kalena ceejiyey mid ka mid ah ilaalada” ayey boolisku ay yiraahdeen.

Si kastaba, Cabdi Iley ayaa falkaas ka hor beeniyey maxkamadda, isaga oo sheegay in warka kasoo baxay booliska uu yahay mid aan jirin, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in lagu baneysto in jirdil loo geysto islamarkaana sumcaddiisa la waxyeeleeyo.

“Arrintan waa been, aniga shaqsi ahaan waxaa la igu hayaa cadaadis aad u weyn, waxaana la igu hayaa xabsi aan munaasab ahayn, laba mar ayaa nafteeda halis gashay oo nin maskaxda ka jiran oo lagu hayo qol igu dhegan uu iisoo jebiyey albaabka” ayuu yiri Cabdi Iley.

Cabdi Iley ayaa sidoo kale maxkamadda ka horsheegay inuu caafimaad ahaan liito.
Cabdi Iley ayaa dib maxkamadda loogu soo celin doonaa 29-ka bishan, kadib markii boolisku codsadeen 10 maalmood oo ay ku sameeyaan baaritaan dheeri ah, maxkamaduna ay ka ogolaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com