Shirkada Kenya Airways oo billaabeysa duulimaad toos oo ah Nairobi iyo Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa qorsheyneysa inay billowdo duulimaad toos ah oo ay ku tageyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, maalmo kadib markii shirkadda kula loolanta gobolka ee Ethiopian Airlines ay shaacisay inay duulimaadyada Muqdisho billaabi doonto labada November.

Guddoomiyaha Kenya Airways, Michael Joseph ayaa wargeyska the Star u sheegay in shirkadda ay billowday qorshe ay ugu duuleyso Muqdisho, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer.

“Haa, waxaan eegeynaa suurta-galnimada arrintaas. Qorshaha wuxuu hadda marayaa marxalado billow ah, wuxuuna u baahan yahay wadaxaajood dheeri ah iyo hanaan” ayuu yiri Joseph.

Wakiilo ka socda shirkadda Kenya Airways ayaa Muqdisho tegay toddobaadkan si ay usoo qiimeeyaan marinka, waxaana la filayaa inay Nairobi kusoo laabtaan oo ay go’aan gaaraan.

Shirkadda Kenya Airways ayaa u duusha 54 garoon, oo 44 ka mid ah ay ku yaallaan qaaradda Afrika.

Kenya Airways waxay duulimaadyo toos ah ku tegtaa Yurub, waxaana 28-ka bishan ay billaabi doontaa duulimaad toos ah oo Nairobi iyo New York ah, kaasi oo noqon doona midkeedii ugu horreeyey ee Mareykanka.

Haddii ay billowdo duulimaad Muqdisho iyo Nairobi ah, waxaa ka faa’ideysan doona Soomaalida qurbaha ee tegaya Muqdisho, ayaga oo sii maraya Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com