Baareyaasha kiiska Jamal Khashoggi oo maanta ogaaday arrin muhiim ah

Istanbul (Caasimada Online) – Baarayaasha dalka Turkiga ayaa ogaaday bartii rasmiga aheyd ee lagu dilay suxufi Jamal Khashoggi markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga, sida ay shaageen ilo-wareedyo Turkish ah.

Baarayaasha, oo adeegsanaya codka la duubay dilka Khashggi, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in khabiirka jirka bani’aadamka ee Salah Muhammad al-Tubaigy, uu billaabay inuu cad cad u jaro jikra Khashoggi islamarkii la dilayba.

Saraakiisha Turkiga ayaa la sheegay inaysan ku faraxsaneyn waqtiga aadka u dheer ee Sacuudiga ay ku qaadaneyso inay war rasmi ah kasoo saaraan kiiskan, sidaas darteedna ay xog xasaasi ah u dusinayaan saxaafadda.

Dhinaca kale shaqaalaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa ka jawaabaya su’aalaha dacwad oogaha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi.

Ilaa 15 shaqaale ayaa maanta oo jimce ah la su’aalo weydiiyey, waxaana ka mid ah darawalka qunsulka Sacuudiga, farsamoyaqaano, xisaabiyeyaal iyo howl-wadeenada taleefonnada.

Jamal Khashoggi, oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, oo deganaa dalka Mareykanka, waxna ku qori jiray Washington Post, ayaan la arag tan iyo labadii October markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com