Cabdi Iley oo ku dhawaqay go’aan laga gaaray xabsigii laga qeyliye ee Jail Ogaden

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer “Jeel Ogaadeen”, wuxuuna sheegay in masaajid loo badali doono.

Isbedelada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sababtay in ay isku-soo dhawaadaan Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya oo mudo Sanado ah wada dagaalamayey,waxana sidoo kale Xabsiyo ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siidaayey Boqolaal ruux oo ay ku jiraan dad ka tirsanaa Jabhada ONLF.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo daba socda qorshaha isku-soo dhawaasha iyo isbedelada ka jira dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in lasiideyn doono dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga kaas oo loo yaqaano “Jeel Ogaadeen”,.

Warbixinta ka kooban 88 bog islamarkaana ay dhawaan soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeeniya” .

Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro xabsiga “jeeyl Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

Tallaabada lagu siideynayo dadka ku xiran Xabsiga dhexe ee Magalada Jigjiga iyo isbedelada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey dadka ku nool dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya iyo meelahaa ka baxsan intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com