Guddiga dastuurka Somalia oo shaaciyey farogelin lagu hayo (Yaa ka dambeeya?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu wareejinaayay qeybtii ugu horeysay ee howlaha dib u-eegista Dastuurka dalka.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Xildhibaanada guddiga la socodka Dastuurka ee labada aqal ee Baarlaamaanka, Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wasiirka Dastuurka.

Maxamed Daahir Afrax oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dibu eegista Dastuurka ayaa sheegay in Guddiga uu bilaabay dadajinta howlaha loo igmaday ee dastuurka.

Waxa uu yiri “Waxaa leygu wareejiyay qeybtii ugu horeysay ee dib u-eegista labaad ee cutubyada Dastuurka Qeybtaas oo ah shanta cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay faragelin uu sheegay in lagu hayo shaqadii loo Igmaday Guddigooda.

Waxa uu sheegay Senatorka in loo Gacan dhaafay Howshii loo xil saartay Guddiga, Isagoo dhinaca kalena sheegay ineysan Jirin cid wax ka qabaneysa Cabashadooda oo mudooyinkanba soo taagneyd, dhowr jeerna ay Gaarsiiyeen Cida ay quseyso.

Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka labadiisa  Aqal, ayaa sidoo kale sheegay ineysan lamid eheyn Xukuumadaha Heer Federal iyo Dowlad Goboleed, balse iyagu ay yihiin Guddi Shaqo loo dirsaday islamar ahaantaasina aaney heysan wixii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Si Kastaba, Guddigan uu Gudoomiyaha u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay Caqabado Shaqadooda heysta, iyadoo wali loo dhag raaricin la’yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com