Aqriso: Guddoomiyaha BF oo soo saaray WARQAD muhiim ah oo ku saabsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa lagu wargaliyay xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Shalay ayay qorshaha aheyd in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.