Warbaahinta ETHIOPIA oo shaaciyey xaqiiqda sida loo ceyriyey Jeneral Gabre

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka Opride.com oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Ethiopia, ayaa faahfaahin iyo xog aad u dheer ka qoray qaabkii Colonel Gebregziabher Alemseged ama Jeneral Gebre looga ceyriyey Soomaaliya.

Website-ka ayaa sheegay in magacaabistii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaraaha Ethiopia ay billow u ahayd inuu soo dhammaado waqtigii Gebre ee galaangalka siyaasadda Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa u dhaqaaqay inuu shaqada ka ceyriyo saraakiil badan oo musuq maasuq iyo xadgudubyo kale lagu tuhmayey, ayada oo ay jirto Gebre lagu eedeeyey inuu xasuuq ka gaystay Soomaaliya.

Dadka shaqada laga ceyriyey waxaa ka mid ahaa General Samora Younis, oo ay aad isugu dhowaayeen Gebre, kana soo wada shaqeeyeen dagaalkii Soomaaliya lagu qaaday 2006.

Sida wargeysku leeyahay, booqashadii Abiy Ahmed uu 16-kii June ku tagey Muqdisho, kulana kulmay Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku yeelatay in Gebre meesha laga saaro.

In kasta oo aysan caddeyn, haddii Farmaajo si rasmi ah Abiy u weydiistay in Gebre la cayriyo, haddana website-ka wuxuu leeyahay, Farmaajo ma uusan qarin sida uu u neceb yahay Gebre.

Markii la doortay bishii Febraayo ee 2017, ayaa wixii ugu horreeyey ee uu sameeyey Farmaajo waxay ahayd inuu Gebre ka mamnuuco inuu cag soo dhigo Soomaaliya, sida uu qorayo Opride.com. Ayada oo taas uu ku guuleystay Farmaajo, ayaa hadda website-ka wuxuu leeyahay, kuma qanacsaneyn in xitaa Gebre uu kasii shaqeeyo IGAD.

Kulankii IGAD ee 21-kii June ka dhacay Addis-Ababa, oo Farmaajo uu ka qeyb-galay, islamarkaana Gebre uusan cag soo dhigin, ayaa sii kordhisay shakiga ku saabsan in Farmaajo dalbaday xil ka qaadista Gebre, ayuu leeyahay website-ka.

In xilka laga qaaday ka sokow, in Gebre lagu soo dabaacay qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation, ayaa muujineysa in hadda iyo waqti ugu soo dhow uusan kusoo laaban doonin siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolkaba.

Warbixinta wargeyska Opride.com oo dheer halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com