IGAD oo maanta sharafta ka qaaday korneyl Gabre kadib xil ka-qaadistii shalay

Nairobi (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa maanta sharafta ka qaaday Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u yaaqaanaan Jeneral Gabre kadib markii shalay laga qaaday xilkii uu ka hayey IGAD.

IGAD ayaa maanta Gabre kusoo daabacday qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation ee ah kan afka dheer dalka Kenya, ayada oo laga digayo in la iska ilaaliyo ninkan, oo ah nin Soomaalida ay aad u nacday.

Qoraalka lagu daabacay Daily Nation, oo IGAD ay lacag ku bixisay ayaa lagu yiri “Waxaa la idinku war-gelinayaa in ninka kor ku xusan uusan hadda iyo wixii ka dambeeya u shaqeyn IGAD, sidaas darteed uusan sharciyad u haysan inuu IGAD ku matalo wax ganacsi ah. Wixii uu geysto IGAD mas’uul kama noqon doonto”

In xilka laga qaado Gabre, haddana sida tuugada laga digo inaan lala macamaalin waxay ku tuseysaa heerka aadka u hooseyaa ee uu gaaray.

Ceyrinta Gabre ee IGAD ee shalay ayaa timid kadib dadaal socday sanad oo dowladda Soomaaliya ay u gashay in Gabre laga saaro Soomaaliya, ayada oo ku eedeysay inuu faro-gelin xooggan ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in xilka laga qaado Garbe, kadib markii ay sidaas ka dhaadhicisay uuna ka ogolaaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, oo danaynaya inay Soomaaliya aad isugu soo dhowaadaan.

Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com