Rasaas caawa laga dhex maqlaayo Tukaraq iyo xaaladda oo aad u kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed ayaa waxa ay caawa ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kadib markii ciidamo cusub oo ka tirsan Puntland ay galabta gaareen deegaank.

Deegaanka ayaa la soo sheegayaa in caawa laga maqlaayo rasaas aan badneyn oo labada dhinac ay isku dareensiinayaan inay ku jiraan heegan buuxa.

Ciidamada maamulka Puntland ee galabta la geeyay deegaanka Tukaraq ayaa la soo sheegayaa in dhufeysyo ay ka sameysteen jiida dagaalka isla markaana caawa ku siqeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa ridaaya rasaasta ugu badan ee caawa sida goosgooska ah looga maqlaayo jiida Tukaraq.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo laga wareysanaayay xaalada cusub ee caawa ayaa yiri ‘’Caawa cabsi ayaan dareemeynaa mararka qaar rasaas ayaa dhaceysa dadku waxa ay yihiin kuwo soo jeeda oo aan caawa hoyad ku waajibin’’

‘’Haa wey jirtaa in maanta ciidamo badan ay soo gaaren tukaraq dadka horay ayay u barakaceyn anaga manaqaan meel aan aadno’’

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ee maanta la geeyay Tukaraq ay yihiin kuwa aad u hubeysan, halka Somaliland ay isbedel ku sameysay ciidamadii ka joogay jiida dagaalka.

Ma cadad sida uu caawa noqon doono xaalka waxaana jira cabsi saa’id ah oo laga qabo inuu dhaco dagaal toos ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com