Cabdi Qaybdiid: Mudug Marko ma aha waxad la kulanto ayaad ka heleysaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo hadal heynta ugu badan ay noqoneyso Heshiiskii Bishii 30-kii July Magaalada Muqdisho Lagu kala saxiixday ee ahaa in Maamul Goboleed loogu magac daray Mudug iyo Galgaduud loo sameeyo Gobolada dhexe ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.

Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf , waxa uu sheegay in Eraygii ahaa Fad ama hafadin waa lagu fadsiin uu dhalin doono Micno badan oo jaan roga Siyaasada Dalka.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in Cabdi Qaybdiid oo ah Madaxweynaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug uu faraha kula jiro Howlo aan isaga Khuseyn, waxa uuna ka digay inuu kusoo dhiirado faragalinta Mudug, wuxuuna Tilmaamay in fidno la mid ah tan ka taagan Muqdisho uu wado Qeybdiid isagoona Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu fidnadaas qayb ka yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Nabadoonku waxaa uu cadeeyay inay Taariikh u dhigi doonaan Cabdi Qeybdiid haddii uusan faraha kala bixin Arrimaha isaga kamadax-banaan waxa uuna carabka ku dhuftay in marnaba kala qeyb-qeybin qaadan doonin.

‘’Cabdi Qeybdiid waxa uu wadaa Fidno, Mudug waxa uu moodaa Magaalada Marko uu siduu doono ka yeelan jiray, haddii uu joojin waayo faragalinta waxa ay u muuqaneysaa inuu dib ugu laaban doono meelihii uu ka imaaday’’sidaa waxaa yiri Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin

Sidoo kale, waxa uu Nabadoonka sheegay in Fidnada taalo Muqdisho uu Xassan Sheekh rabo inuu usoo raro Mudug, taasina ay ka xigaan Dagaal, maadama aysan ku qancin hadalkii ahaa Fad ama hafadin waa lagu fadsiin uu ka turjumaayo Siyaasad kale, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu Sheegay in Cabdi Qeybdiid uu isaga kusoo dhaweeyay Mudug waxa uuna Tilmaamay in haddii uu ka fiirsan waayo Colaadaha uu soo wado ay soo dhaweynayaan Qeybdiid, waxa uu la kulmana ay isaga u gaar ahaan doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com