Beelo Xasan Sh ku dacweeyey Obama

Minnaosta (Caasimada Online) – Dalka Maraykanka waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay ka qeybgali doona shirka Afrika iyo Maraykanka kaasoo maanta ka furmaya Washington DC.

Haddaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah beelaha Soomaalida, gaar ahaan kuwa reer Puntland ee ku dhaqan dalkaas ay dacwado ka gudbiyeen madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dacwadahaas la hordhigay madaxweyne Obama iyo Congaress-ka dalka Maraykanka sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Cabdicasiis oo ka mid ah qaban –qaabiyaasha bannaan bax looga soo horjeedo hoggaamiyaha Soomaaliya.

Ninkan oo la hadlay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne iyo Congaresska dalka Maraykanka ay u sheegeen in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay nin dambiile dagaal ah isla markaana uu awooda u is-ticmaalay arrimo qabiil sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in maalinta Isniinta ee soo socota uu dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha in uu ka dhici doono magaalada gobalka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool yihiin.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu ku guul-darreestay howsha loo igmaday isla markaana uu taageersan yahay dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxweynaha uu lunsaday dhaqaale fara badan oo caalamka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Sidoo kale, ninkan ayaa xusay in madaxweynaha uu ku howlan yahay siddii uu kala qeybin lahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka gaar ahaan Minnapulis sidda uu hdalka markale u dhigay

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com