Maraykanka oo uu ka furmaayo shir ay ka qeyb galayaan madaxda Africa

Washington DC (Caasimada Online) – Magaalada Washington DC ee xarunta dalkan Maraykanka waxaa maanta oo Isniin ah ka furmi doona shirweyne ballaaran oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 50 hoggaamiye oo Africa ka socda.

Shirkan waa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale, waxaana in la qabto ka dambeeyay madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo horrey u sheegay in uu u xoojin doono xiriirka uu la lee yahay Afrika.

Shirkan oo socon doono muddo seddax cisho ah, waxaa dowladda Maraykanka ay ku soo bandhigi doontaa mashaariic ka badan Hal Bilyan oo dollar taasoo la rabo in lagu hormariyo arrimo ay ka mid tahay Tamarta, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxda ka qeybgalaya shirka ee la socda wafdigiisa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaacil Cumar.

Haddaba dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in shirkan uusan jawaab u ahayn mashaariicda dowladda Shiinaha ay ka wado Afrika.

Cabdi Ismaacil Samatar waa Professor wax ka dhiga Jaamacad Minnesota ku taalla, isla markaana wax ka qora arrimaha Afrika, wuxuu BBC u sheegay in shirkan madaxda Afrika ka socota aaney waxbo ka faa’idi doonin isla markaana wax yaabaha looga hadlaayo ay dowladda Maraykanka horrey u soo diyaarsatay oo aaney Afrikanka waxbo la tagi doonin.

Wuxuu sheegay oo kale in uusan filineynin madaxda Soomaalida in shirkaas ay la tagaan ajandayaal sax ah marka laga reebo in ay rabaan in ay isku sawiraan madaxweyne Obama.

Prof Samatar ayaa tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya aaney horey uga faa’ideesan shir ka dhacay magaalada Devos.

Isku soo duub la arki doonee wax yaabaha madaxda Afrika ay la tagaan shirkan oo seddax cisho socon doona.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com