Affeey oo kasii carresyiiyey PUNTLAND

Nairobi (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ee Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Danjire Mohamed Abdi Afey ayaa mid sax oo sharci ah ku tilmaamay Maamulka Mideysan ee Bartamaha Somalia ee dhowaan lagu go’aamiyey Villa Somalia.

War Saxaafadeed uu Ergaygu ka soo saaray Magaalladda Addis Abeba ayaa waxa uu ugu hambalyeeyey Dowladda Federalka Somalia kaalinta hoggamineed ee ay ka qaadatay sidii Kooxaha saxiixay Heshiiskaasi loogu dhiirigelin lahaa Dhismaha Maamulka mIdeysan ee Bartamaha Somalia.

Ergayga oo isagu ka mid ah Diplomaasiyiintii lagu casuumay Saxiixa Heshiiskaasi oo maanlintii Arbacadda ee la soo dhaafay lagu saxiixay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa ku booriyey dhinacyaddii saxiixay inay si mas’uuliyad iyo nabad xambaarsan u dhisaan Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay IGAD sii wadayaan taageeradda socda ee Dowladda Federalka ku hubaal gelinayso taabagelinta Nidaamka Federalka iyo kaalinta Dowladda Federalka ee Dhismaha Maamulka cusub ee Goballadda Bartamaha Somalia.

Waxa uu sheegay in cid diidi kartaa maamulkaasi aysan jirin, ciddii ay doontaba ha ahaatee, ciddii diidana loo aqoonsanayo qas-wade.

Ogolaanshaha maamulkaasi ee Affey, Nicholas Kay iyo Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa ka dhiggan in maamulkaasi sharci yahay, cid ka hor imaan kartaana aysan jirin.

Hadalka Affey, ayaa kasii carreysiinaya maamulka Puntland oo heshiiskaasi, si aad ah uga hor-yimid, ayaga oo sheeganaya gobolka Mudug, inkasta oo deegaan ahaan looga badan yahay.

Affeey iyo Puntland, ayaa muddo ahaa xulufo beeleed, hase yeeshee ma cadda sida iminka xaalkooda noqon doono.

Dowladda Federalka ayaa laga dhowrayaa inay horumar ka samayso dhinaca ballaarinta Maamulka Federalka si loo gaaro Qorshaha Tubta Hiigsiga sannadka 2016-ka ee la doonayo in la qabto Doorasho madax-bannaan, dhiusmaha Dowlad Soomaliyeed oo mideysan, oo xoog leh, sugi kartana Midnimadda Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska  Muqdisho

Caasimada@live.com