25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Cabdi Qaybdiid oo markii ugu horreysay doorashadiisa kadib hadlay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia, Cabdi Xasan Cawaale ”Qaybdiid”, ayaa ka hadlay howlaha laga sugaayo Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiye Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in labada Guddi ay ahmiyad u leedahay wada shaqeyn dhexmarta waxa uuna tilmaamay inay wadaagan dhammaan howlaha loo xilsaaray.

Qeybdiid, waxa uu sheegay in labada guddi ay yihiin laba guddi oo aan kala maarmi karin, isla markaana ay tahay inay wada shaqeeyan si loo saxo khaladaadka ka dhex jira howlaha loo xilsaaray.

”Anigu waxaan qabaa in labada Guddi ay yihiin kuwo aan marnaba kala maarmin inay wada shaqeeyan, waxaan dhihikaraa waa guddiyo mataano ah oo midkoodna keligii uusan shaqayn karin”

Waxa uu intaa ku daray ”Guddiga Madaxa Bannaan haddii uusan haysan Guddiga La socodka iyo Hirgelinta Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka Somaliyeed keligiis ma dhaqaaqi karo”

Waxa uu Qeybdiid tilmaamay inay ka shaqeynayaan howlwadaag dhexmara labada Guddi waxa uuna meesha ka saaray inay ka maarmi karaan mid kamid ah labada Guddig.

Sidoo kale, Qeybdiid waxa uu ku baaqay in si dhow loola shaqeeyo Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Qaybdiid oo ah Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa Isniintii loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News