Xog ku saabsan habkii loo fuliyey qaraxii is-miidaaminta xabsiga dhexe iyo qofka fuliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu ka soo baxayaa Qarax nuuciisa uu yahay Ismiidaamin, kaasi oo ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Qaraxa ayaa dhacay xili mas’uuliyiin dhowr ah ay ku sugnaayen masjidka isla markaana dadka ku sugnaa masjidka ay ku guda jireen Tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta.

Qaraxa oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu fuliyay wiil 14sano jir ah, kaa oo isku miidaamiyay walxaha Qarxa.

Mid kamid ah ilaalada Xabsiga ayaa sheegay in naftii haligaha uu doonaayay in uu isku Qarxiyo gudaha Masjid ku yaalla halkaasi, balse markii Ciidamada ay celiyeen uu ku Qarxay Masjidka hortiisa.

Masjidka iridkiisa uu Qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa ku tukada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayen Askar, halka qofka Seddexaad uu yahay naftii haligaha.

Warar soo baxayaa ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay laga yaqaanay xabsiga dhexe, waxaana socda baaritaano.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Xuseen Xasan oo ka mid ahaa saraakiishii masaajidka ku dukaneysay ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray dhaawac fudud, sida laga soo xigtay mas’uul ku sugnaa goobta, balse dhaawiciisa uu yahay mid la qarinaayo.

Mas’uuliyiinta sida joogtada ah ugu dukta masjidka ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa noqonaaya weerarkii u horeeyay noociisa ee ka baxa Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com