Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhex dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Warar soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in qof uu isku qarxay albaabka masjid ku dhex yaalla xabsiga dhexe, xilli lagu guda jiray khudbadda salaadda jimcaha.

Masjidka ayaa waxaa ku tukanayey saraakiil, garsoorayaasha maxkamadda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xabsiga, markii qaraxa uu dhacay.

Qaraxa ayaa loola dan lahaa Taliyaha ciidamad asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan.

Taliyaha ayaa ka degay baabuur kadibna isaga oo kusii jeeda masaajidka uu nin ka daba orday kaasi oo uu hor istaagay mid ka mid ah ilaalada taliyaha.

Ninka ayaa la sheegay inuu isqarxiyey isaga oo halkaais ku dilay askarigii hor istaagay, saddex kalena dhaawacay.

Waxaa lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare nafeed, inkasta oo aan weli la hayn faahfaahinno dheeri ah.

Wixii kusoo kordha, kula socda wararkeena dambe Insha allah.