Doorashada Kenya: Maxay naga baraysaa guul-darrada Axmed Cabdullahi?

Doorashadi ka dhacday Kenya talaadadi ina dhaaftay waxay ahayd mid ay isha ku hayeen dad badan oo soomaaliyeed. Qaar caruur iyo xaasas ka joogeen, qaar qaraabo kale ku lahaa, qaar ganacsi iyo hanti ka taalay iyo kuwa xiiseeyo harumarkaba dad badan ayaa sugayay sideey wax u dhacaan.

Anigu marki laga soo tago qaraabo badan oo bad-baxooda aan u cabsi qabo haddii ay rabshado dhacaan, waxaan si gaar u eegayay doorashada ka dhacaysay Wajeer iyo cidda ku guulaysan doonto barasaabka gobalka ay matasho.

Maxaa Wajeer xiiso gooni ah u yeelay?

Wajeer waa magaalo kala saari lahayd waxa dadka soomaaliyeed wax ku qiimeeyaan. waa magaalada kaliya ee aanu ku fahmi karno in dadka soomaaliyeed qaan gaareen siyaasad ahaan iyo in kale. Sababta aan sidaas u leeyahay si aad u fahamto aynu eegno xaalada gobalka guud ahaan iyo wax qabadkii barasaabka Wajeer intii uu xilka hayay.

Wajeer waxay ka mid tahay gobalka waamo ee Kenya haysato. ilaa markii Kenya ay xorriyadda qaadatay waxaa lagu hayay caburis xad dhaaf waxaana laga hor istaagay wax walba oo horumar keeni karo. waa gobalka ugu hooseeye dhammaan goboladda Kenya marki la eego xagga dhaqaalaha, caafimaadka, wax barashada iyo wax soo saarka kalaba.

Wixii ka horeeyay 2010, dhammaan wixii dib u dhac ah ee gobalka ka jiray waxaa loo aanayn karaa dowlada dhexe oo si toos ugu taagnayd horumarka gobalka. Laakiin marki la badalay dastuurka dalka 2010 wixii ka danbeeyay waxay madaxda gobalku fursad u heleen inay wax ka qabtaan dhibaatada ku habsatay gobalkooda. waxaa si toos loo siiyay dhaqaalihi ku bixi lahaa meelaha ay matalaan, waxaana loo madax baneeyay waxa ay rabaan inay qabtaan. Dastuurka cusub gobalka wuxuu u qaybiyay 3 gobal oo siman mid walbana leeyahay barasaab gooni ah una madax banaan yahay harumarinta gobalkiisa.

Axmed Cabdullahi wuxuu noqday barasaabka kaliya ee isku dayay inuu wax ka badalo nolosha dadki u masuuliyadda u qaaday. wuxuu mariyay magaalada Wajeer, oo aan waligeed yeealan hal taago oo laami ah, laami dheerkiisu yahay 28km.

Wuxuu dhisay xarumo cusub oo maamulku yeesho. horaantii ma jirin marki laga reebo meel aan eber wax dhaamin oo guumaystihi ka tagay. Wuxuu hirgaliyay xarunta tababarka caafimaadka ee Kenya oo nooceeda oo kale waligeed gobalka oo dhan uusan arag. wuxuu qalabeeyay dhamaan isbitaalada maamulkiisa hoos yimaado. sidoo kale wuxuu dayac tir balaraan ku sameeyay waddooyinka  maro inta uu isagu maamulo.

Wajeer oo ahayd meel ku caan baxday nadaafad darro, dadkeenada lagu xifaaleeyo inay baaldi ku saxaroodaan ayuu ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu nadaafadda wanaagsan dhammaan dalka Kenya. wuxuu soo saaray amaro qabanayo dadka qashinka magaalada ku tuuro ilaa uu yiri kuwa dameeraha ku shaqaysto waa inay guraan xaarka dameeraha ay wataan ku dhigaan waddooyinka, arintaasna shacabka ayaa ku raacay oo bilaabay inay jawaan dabada ugu xiraan dameeraha si xaarkoodu ugu dhicin waddooyinka.

Wajeer wuxuu ka dhigay gobalka labaad oo tusaale loogu soo qaato in dastuurka cusub wanaagsanyahay. Wuxuu tusaale u noqday madaxda wanaagsan ee kenya wuxuuna asturay ceebti soomaalida oo haddi uusan isaga ahayn la waayi lahaa qof lagu daydo.

Dhammaan sifaadka aan soo xusnay iyo wax qabadkiisa marki la isku daro waxaa la fili karaa in shaqada loo kordhiyo laguna dhiiri galiyo horumarka uu wado. Nasiib darro dadka uu hormainayay kuma qiimeeyaan shaqsiga waxa uu qabtay ee waxay ku qiimeeyaan reerka uu yahay.

Axmed waa shaqeeyay laakiin waxaa abaal looga dhigay cayris waliba lagu tiigsaday waayo waxaa looga guulaystay in kudhow 20 kun oo cod. Balse taas wax u dhimi mayso oo wax tarkiisi waa midaan qarsoomayn waayo badana laga sheekeyn doono.

Kan isaga badalay iyo kuwa kale ee maamulo gobalka waxay arkayaa waxa ku dhacay Axmed sidaa darteed wax qabad iyo wax qabad la’aanba haddi ay birtu ku saarantahay maxaa diidayo inaad faramacaysato inta dufanku ku akyaalo?

W/D: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com