Dhaxalkii qotada dheeraa: Qorhihii Mareykanka ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan

Bishi October sanadkii 1993 aya waxay tahay sanad laga xuso gabi ahambo dalka Mareykanka oo ah dawlada dunida ugu awood wayn.

1993 aya USA iyo UN tu waxay u direen dalka Somalia gargaar dhanka Bini Adamnimada ama waxa loo yaqaan humaniterian aid gargaar aya waxa looga dan lahaa sidi loo garsiin laha dadka at samesay abarti xiligaas tagneed iyo dhibatadii u geestay dagaalkii sokeeyo e ka dhacay dalka Somalia.

Somalidii xiligaas ku sugnaa aya aqbalay soona dhaweeyay imaantinki UN Aid mission oo uu Mareykanku hor kacayay iyadoo loo arkay iney ahayd mid USA iyo UN ku gudanayeen masuuliyada hayadnimo iyo mida wadanimo waayo Somalia waxay ka mid ahayd wadamadii markii dambe tageeray fikradii u Mareykanku hor kacaayay e lo yaqaanay capitalist tasoo kaso horjeeday shuciyintii midowga soviet ee la oran jiray communist.

Fikradii USA ee ahayd cawinaada Bini Adamnimada aya waxay isku badashay mid lagu so afjaraayo shaqsi ay somaalidu u arkeen madaxwayne lakiin sirdoonka mareykanka iyo dawladi xiligaas talada haysay mid hor istaagan kala dambeynta iyo xasiloonida dalka Somalia Mahamed Farah Aidid o inta badan Somalia looga yaqaan madaxweyne dalka soon maray. USA ayaa noqotay mid ku raafjoogto shaqsiga ay ku tuhmeen inuu kadambeeyo qalalaasaha waxayna bilaawen agenda ah sidii lagu dili lahaa iyo garab kahelaayo dadka degaanka oo markaas iyaga lashaqenaayay.

Dadka Soomaalida ah markeey ogaadeen qorshaha mareynkanka ay ladamcasaneyen Mahamed Farah Aidid ayaa halmar wax is badalay aragtidii bulshada iyo tageerida mission ka u hogaaminaayay mareynkanku taaso abuurtay difaacida shacabka ee shaqsiga ay ku amineen talada dalka kana dhigtay fikradi shacabka mid ah in USA ay tahay waddan kuso duulay Somalia hadabo wixi dhacay sanadkii 1993 ayaa waxaa loo bixiyay magacyo badan iyadoo Somalia logs yeero black Sunday ama axaddii midoobeyd halka dhanka kale bulshada caalamku ay u yaqaanan the battle of Mogadishu iyadoo dhanka bolly wood ka ee filimada loogu magac daray the black hawk down. Dagaalkan aya lagu tilmaama mid ah cawaaqib xumadii ama jabkii ama gumaadki ugu darnaa ee abid kudhaca Mareykanka kadib dagaalki Vietnam taaso keentay in USA aysan abid udirin cidaamo dhanka gargaarka Bini Adamnimo wadan keyaala Africa iyadoo la xasuusta in USA ay diiday iney cidankeeda geyso dalka Rwanda si ay ula tacaasho xasuuqi ka dhacay dalkas sanaddi 1994.

Waxaa la dhihi kara iney jiraan wax yaabo la dhihi karo dagalki Mugadishu iyo fashilkii Mareykanku inu leeyahay dhibaato Somalida dhexdeeda o la oran karo wa mid aanan laga kaban doonin mustaqbalka fog haddii aysan jiilka maanta ah fahmin o aynan badalin siyaasada dibadda Somalia.

Waxaa la oran karaa kadib bixitaanki USA ee Somalia in marna Mareykanku usan cudleenin somalia lakiin o ahaa mid ku dhisan strategy ay ku hanan karaan jogitaankoda dalka iyagoo xarumo kasameestay dalalka dariska ah kuna laha ciidam special forces ah kuwaa o inta badan jogay xeebaha Somalia waxaana la dareemi karaa in Mareynkanku u hub iyo tagero tababarnimo siiyay qabaailo iyo shaqsiyaad gaar ah taaso keentay is kooxeeysi iyo soo shaac bixii hogaamiyo qabaail o iyagu wata koox u dagaalamo kuwaas o bilaabay. Dagaaladan kusalesna qabaailka aya noqday kuwo aburay necebka iyo xasilooni darada kajirta dalka iyado ay gesteen hogaamiye koxeedyadani dambiyo ka dhan ah Bini Adamnimda.

Muhiimada koobaad ee mareykanka e hubaynta kooxo gaar ah aya ahayd mid uga danleeyahay soo afjaritaanka Mahamed Farah Aidid o ahaa qof ahmiyad gaar ah kulaha Somalida loona aqoonsana qof kataliya wanaaga somalida lakiin damicii mareynkanka waxuu noqday mid isku badala wax kusalesan naceyb iyo xag jirnimo iyo aamin daro kusalesan qabaail , awood iyo walibo fikrad qalafsan taaso tusaalo u ahaan karto Somalia waxaana laba eegi kara galintii mareynka ee Iraq waxa kadhashay Afghanistan maxa ka dhashay wa waddan u ah hooy argaguxisada waxana lo isdhihi karaa mareykanka iyo hawlihisa u kawada Somalia iney ka dhalan karto cawaqib xumo sida midda hada tagan ee lo dhihi karo wa lingering legacy ama dhaxal an magna dhamenin.

Fikrad ahan waxa dhihi karaa ama soo jedinaaya in somaalidu dib u eegto noloshi ay kuwada noolaayeen kahor burburki dawladdi dhexe iyo wixi ka horeeyay imaantinkii USA iyo dib u eegista xirirkii kala dhexeyay wadamada carabta iyo xalaada hada jirto iyo dagalka xag jirnimada.

Xiriir lala sameyo wadamada barriga fog ee kuyaala qarada Asia dhanka dhaqaalaha gaar ahaan sida China in laga kaashado dhanka dhismaha xarumaha dawlada iyo Malaysia horumarinta technology ga iyo Singapore dhanka dhaqaalaha ee dhanka badda iyo walibo Turkey o ah wadan leh awood military o lataaban karo lagana fogaada ficilada mareykanka ee abuuri kara xagjirnimo kale iyadoo lagama marmantahay xiriirka mareynka lakiin wa inuu ahaada mid ku aadan dhanka sirdoonka o kali ah.

Qoraa: Muhidin Hussein Osman