Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay shil gaari oo ka duwanaa kuwii hore.
Shilka oo ahaa mid ay usoo daawasho tageen dadka deegaanka kaa oo si gaara uga dhacay koontoroolka Bari ee Magaaladas.
Shilkan aadka loola yaabay ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo mid ka mid ah ay leedahay shirkadda Safarada Raxmo oo ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Garoowe.
Shilka ayaa rogay gaariga shirkada Raxmo waxaana u sara maray afarta lug, halka gaariga kale ay soo gaartay khasaaro aad u yar.
Dadkii la socday gaariga shirkada Raxmo ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, kuwaa oo la dhigay isbitaal aan ka fogeyn goobta uu shilka ka dhacay.