Cabdi Samad “Mungaab waa qof karti aan ku aqaano laakin way ku adkaan doontaa inuu wax ka qabto G/Banadir”

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadii KMG ahaa Cabdisamad Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho in uu yahay qof karti badan oo ay ka go’an tahay in uu wax qabto balse ay ku adkaan doonto xilka cusub ee loo magacaabay.

Cabdi Samad oo ay isla soo shaqeeyeen Gen Mungaab xilligii uu wasiirka ahaa ayaa sheegay in takhsusikiisa aanu ahayn abaabuulka iyo kicinta bulshada ee uu yahay ninkan ruux ku takhasusay arrimaha ciidamada.

Wuxuu sheegay xaalada ammaanka caasimada oo hadda faraha ka baxday in aanu waxbo ka badali karin oo ay ka weyntahay maamulka gobalka Banaadir.

“Gen Mungaab waa qof aan aad u qaano, oo aan isla soo shaqeenay, Takhasuskiisa waa Askari waa qof wax yaabo fara badan qaban kara, balse culeyska amni ee saaran caasimada waa mid ka ballaaran gobalka, waxaan aamisanahay in aanu waxbo ka qaban doonin” ayuu yiri xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Wuxuu ku dhiirri-geliyay guddoomiyaha cusub ee gobalka ahna duqa Muqdisho in uu la yimaado isbadal cusub oo oo ay ugu horreyso xagga ammaanka, isla markaana uu la socdo dhaqdhaqaaqa ka jira magaalada.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdi Samad sheegay inay jiraan dabacsanaan xagga ammaanka ah, loona baahan yahay in madaxda dowladda ay kula xisaabtamaan arrintaan saraakiisha madaxda ka ah ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com