Aqri: Reer Balcad oo soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Banaadir

Balcad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay isku soo bax lagu soo dhaweenaayo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-Gaab).

Boqolaal qof oo u badan haween iyo carruur ayaa isugu soo baxay waddooyinka degmada Balcad waxaana ay wateen sawirka gudddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan magacaabista uu madaxweynaha u magacaabay Gen Mun-Gaab xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Dadka isku soo baxay ayaa sheegay in Mun-Gaab uu wax ka badali doono xaalada magaalada Muqdisho sidd ay hadalka u dhigeen.

Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mun-Gaab oo horrey u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shaley loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wuxuu badalay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay tan iyo bishii July sannadkii 2010-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com