A/Madoobe oo ka hadlay carqalad uu sheegay in lagu hayo eedeeyayna…!

Baydhabo (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirka ka socda hotelka Baar Bakiil ee ku yaalla duleedka Bari ee Baydhabo in uu yahay mid lagu doonayo in car qaladeeyo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee isna ka socda xarunta ADC-da oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Baydhabo.

Isagoo la hadlaya ergada ku howlan maamul gobaleedka lixda gobal ayuu yiri “Shirka Hotel Bakiin ka socda waxaa lagu carqaladeenayaa shirkan oo ah mid gabogabo ah, arrintaas ma dooneyno”.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in geed-dheer iyo ku gaaban ay u soo fuuleen hirgalinta shirka maamul u sameynta lixd gobal wuxuuna tilmaamay in uu soo gaaray meel gabogabo ah.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ku kala aragti duwan labada shir ee ka socda magaalada.

Shirka ka socda xarunta ADC-da waxaa lagu dhisayaa lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool,Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirka kale ee ka socda Hotelka Bakiin waxaa lagu dhisayaa maamul gobaleed ka kooban seddax gobal oo kala ah Baaydhabo, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Maamulka lixda gobal waxaa isku soo taagay lix musharrax, halka maamulka lixda gobal ay u taagan yihiin seddax musharrax.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com