Cabdi Weli Gaas oo cafis ka dalbaday reer Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/Weli Maxamed Cali oo maanta wareejiyay xilka madaxweynaha Puntland ayaa cafis weydiistay dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas, ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa intii uu hayay xilka madaxweynaha Puntland, waxaana uu sheegay inuu dhisay waddooyin badan iyo garoomo diyaaradeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxtooyada Puntland, garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo xarumo badan uu dhisay intii uu xilka hayay, waxaana maanta uu xilkaasi ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu cafis weydiisanayo dhamaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in cafiskaasi  uu yahay mid niyadiisa kasoo go’ay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Puntland uu ka dalbanayo iney cafiyaan mudadii uu xilka hayay dadkuu dhibaato kala kulmay ama xumaan ka tirsanayo.

“Waxaan ugu dambeyn ka dalbanayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland cafis, cafiskaasi waa mid niyadeyda kaso go’ay, cidii aan xumaan u geystay iyo dadka wax iga tabanaya ayaan cafis ka dalbanayaa”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com