Booskii Xildhibaannimo ee C/weli Gaas oo loo dhaariyay xildhibaan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa iska casilay xilka xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa la sheegay in xilkaas loo dhiibay nin kale oo ay soo magacabeen beesha uu ka soo jeedo.

Si kastaba, waxa xilkaas maanta loo dhaariyay Yaasiin Cabdi Seed, kaddib xaflad ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Lama shaacin sababta uu Cadbiwali Gaas uu isaga casilay kursiga xildhibaannimo, laakin waxa la sheegayaa in uu doonayo in uu xil ka qabto maamulka Puntland haddii la qabto doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha January ee sannadka 2013. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in uu dib ugu noqonayo waddanka Maraykanka iyo shaqadii uu horey uga hayay halkaas ee ahaydn bare jaamacadeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa lagu dhaariyay labo xildhibaan, waxana xildhibaanka badalay Gaas ka sakow, isna la dhaariyay Cabdirashiid Muuse Nuur oo beddelay Xuseen Khaliif kaasoo isna iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda illaa hadda sababaha ay isku casileen labadan xildhibaan oo horrey xilkan loogu dhaariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho