Cabdi Weli oo la ogaaday in GAAS uu siiyey casuumad ay lahayd DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo uu sii xoogeystay khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya warar cusub oo ku saabsan waxyaabaha khilaafka sababay.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed uu ahaa qofkii ka dambeeyey in hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas uu ka qeyb galo shirkii maal gashiga London.

Waxaa xogta ay sheegeysaa in Cabdi Weli uu Gaas ku wareejiyey casuumaddii shirkaas ee loo soo diray dowladda, kadib markii ay labada dhinac ku kulmeen Garoowe, lamina yaqaan sababta uu sidaas u sameeyey.

Ka hor kullankaas ayaa waxaa qorshaha uu ahaa in ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu shirk ka qeyb galo, balse lama yaqaan sababta uu caasumaddii dowladda federaalka u siiyey Gaas, isaga oo u sheegay abaabulayaasha shirka inuu Gaas matalayo Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu warramay inuu ka carrooday tallaabada uu ku dhaqaaqay Cabdi Weli, kuna qeexay mid mas’uuliyad darro ah, balse uu iska sabray, si uusan magac xumo ugu soo jiidin Soomaalida, isaga oo wafti kale ka daba diraya.

Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa saaxiib dhow la ah Puntland, waxaana dadka fallanqeeya siyaasadda ay sheegayaan inuu aaminsan yahay in raali-gelinta Puntland ay muhiim tahay si uu xilkiisa usii hayo, ayada oo aan la ogeyn saameynta Puntland ku leedahay xilkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com