XOG: Qorshaha XASAN ee Imaaraadka xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo C/WELI

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Federaalka ah Xasan Sheekh, ayaa shalay booqasho aan la shaacin ugu amabaxaey wadanka imaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Abu Dhabi.

Madaxweynaha Dowlada Somalia ayaa safarkaan aan la shaacin ugu soo amabaxey dalka Imaraadka Carabta kadib markii uu kulan la qaatey xoghayaha QM Ban Ki-moon.

Safarka Madaxweynaha ayaa wararka la helayo sheegayaan inuu la xiriiro khilaafka u dhexeeya isaga iyo wasiirka koowaad ee dowlada Federaalka ah Cabdi Weli Sheekh.

Wadanka Imaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu isku dayo dhexdhexaadinta labada mas’uul ee ugu sareeya dowlada Federaalka.

Imaaraadka ayaa bilihii dhowaa saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, ayaga oo caawinayey DF.

Warar aan la xaqiijin waxa ay sheegayaan in Imaaraadka la safan yahay Xasan Sheekh, balse ay doonayaan in xal la gaaro.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya khilaafka labada dhinac ayaa sheegaya inuu marayo halkii ugu sareysay iyadoo Xildhibaanada dowlada Federaalka ee tageersan Madaxweyne Xasan Sheekh ay gudbin doonaan mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaraha Somalia.

Ra’isla wasaaraha Somalia Cabdi Weli Shiikh ayaa isagana dhinaciisa kulan la qaatey xoghayaha QM Ban Ki-moon iyo safiirada fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu kuwaasoo kala hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafka labada mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.om